Dhagayso: Maamul goboleedyada oo diiday amar kasoo baxay Farmaajo & Khilaaf gaaray heer culus oo taagan

Maamul goboleedyada dalka ayaa kasoo horjeestay amar adag oo kaga yimid madaxtooyada Soomaaliya kaas oo ku saabsan ilaa sedex qodob.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada isagoo ku amray iney qaataan sedex qodob oo kala ah ineysan ka qeyb galin shirka magaaladda London, in heshiisyada caalamiga ah loo madax baneeyo dowlada dhexe iyo in militeriga Soomaaliya la geeyo guud ahaan deegaanada maamul goboleedyada dowlada dhexana ay xukumi doonto.

RIIX HALKAN: AKHRI SHARUUDAHA FARMAAJO OO DHAN.

Laakiin madaxda maamul goboleeydada ayaa markii ay soo gaareen magaaladda Muqdisho waxaa ay gabi ahaanba diideen amarka uga yimid madaxtooyada Soomaaliya iyagoo u sababeeyay in xili hore ay tahay haatan oo aysan wax kalsooni ah ku qabin dowladda cusub.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in si gaar ah ay arimahaas udiideen madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Hiirshabeelle isla markaana ay xafiiska Farmaajo ku wargeliyeen in danaha maamuladooda ay iyaga umadax banaan yihiin.

”Dhamaan maamulada ayaa haatan kasoo horjeeda qorshaha ay dowladda soo bandhigtay” waxaa sidaas yiri siyaasi diiday inaan magaciisa isticmaalno.

RIIX HALKAN: DAAWO DIIDMADA AMARKA FARMAAJO

Madaxda maamul goboleedyada ayaa bilaabay iney si iskood ah safaarada Ingiriiska uga raadsadaan fiisooyinkii ay ku aadi lahaayeen magaaladda London si ay uga qeyb galaan shirka arimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Madaxweynahaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la kulmay safiirka Britain ee Muqdisho kadibna waxaa ay ku heshiiyeen muhiimada shirka London iyo sida maamul goboleedyada uga qeyb gali lahaayeen.

Waxaa kale oo la filayaa in sidaas si lamid ah ay madaxda maamul goboleedyada sida Koofur Galbeed, Hiirshabeelle iyo Galmudug loo gacan geliyo warqada casuumaada ee shirka magaaladda London.

Sidoo kale, madaxda maamuladda ayaa sheegay in ciidamada deegaanadooda ku sugan ay yihiin kuwa ugaar ah maamuladooda ayna aqbali doonin iney utaliyaan saraakiil Muqdisho laga soo magacaabo.

Waxaa kale oo ay gabi ahaanba maamuladaan diideen qorshaha ah in heshiisyada waa weyn loo madax baneeyo dowladda dhexe, waxaana ay sheegeen in xaq ay uleeyihiin in heshiis walba oo deegaanadooda muhiim u ah ay sameyn karaan.

Si kastaba, dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabada xoogan taas ay ugu horeyso dhanka amaanka, xariirka wadamada gobolka iyo xariirka maamul goboleedyada oo haatan meel xun gaaray.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. Hadafow says:

    Waa viruska 1aad ee haysta umada soomaaliyeed midkastana awood aanu lahayn ayuu isasiyay waana u adeegayaasha cadowga soomaaliyeed mudana in sidii cadowga looladagaalamo
    Dowladase waxaan leeyahay hangaraarac lug umajiiso howsheedu hawadato aaqir iyagaa soohoos tubandoonee

  2. Rooble says:

    A/C Anigu Daahir Calasow waxan kugula talin lahaa hadii aad tahay nin Somaalinimo ku jirto in aadan boggaaga soo gelin waxyaabaha umaddan isku diraya, dalku inu xasilo haddaadan rabin , oo u shaqaysid dad gaala ah, waad noo badheedhaye ku wad, haddise ay caqligaaga ka timid, oo aysan jirin gacan kale oo la shaqaynaysid oo kugu daneysanaysa, oo adiga fikirkaaga un tahay, waan ku waaninayaaye, dalkan ma lahan FARMAAJO iyo madaxweyne kasta oo la keeno , ee waa mid inaga dhaxeeya, oo hadii uu sharaf yeesho aynu kawada faaideyno sida dawladaha kaleba u faiideen, hadii u burburana aynu wada khasaarayno sidii aynu hadeerba u wada khasarnay. Ka tasho in aad taageerto burbur iyo in aad taageerto dal inoo dhisma, oo maalinba nin inoo hogaansho, cidina kaama xigto adi laftaada hogaamintiisa, oo wey dhici kartaa inad maalin madaxweyne ka noqotid maaha arin mstaxiila, ee u tudh dalkeena, ninka madaxweynaha ah , ama raiisal wasaare ah waa inaga tegayaa , waxa inoo hadhaya waa dalkaas.

  3. geele says:

    xamar banay amni ka dhigi karin markasay ku leeday pl gm hsh jl oo nabada aan cidamo xamar laga so magacabo idin so diro
    esh cala dawlada banadir an tegi karin balcad iyo meelo xamar ka mida

  4. mohamed Duran says:

    Muuqdisho horta soo xakamee ka dib ka hadla dawlad goboleed qaarkood jirsaday close to 20… Mooryaanta iyo kuwa ay adeegsadaan waa kuwa caqliga futada kaga yaal.

  5. midnimo says:

    runtii maamul goboleedada guuxooda ayey ka dheereeyneyaan soda dalalka aynu Jaarka nahay oo kale in laga dhigo weeye soda Ethiopia OK kale hadii kale dawlada dhexe hala iska daayo

  6. geellle says:

    talo ahaan
    dolwada dhexe wa ainaysan degdegin oo ay la kaashataa madaxda gobolada ayna ka qeeb gelisa hwol walba si la isuku kalsoonaado loona wada sahqeeyo wa ain la helaa xeer ay ku heshiiyaan maamulada iyo dolwada dhexe.
    yaysan u dhaqmin dolwada mid iyada kali wax maamusha

  7. Soomaali RUN AH says:

    WAA HOGAAMIYE KOOXEEDYO ISBAARO UTAALO GOBOLADII DALKA , sidaasey doonayaan in ay shacabka dhiigooda ujaqaan waligood.
    waxay diidanyihiin midnimo soomaaliyeed Waxayna ku shaqaynayaan figrada Itoobiya oo ah in aan waligeed la’arkin Soomaali mideysan. IBAAROOYINKAAN SHACABKA OO KALIYA AYAA ISKA QAADIKARA

  8. Wiil Hawiye says:

    Eiilkaan Marexaan waa aardoon ee ogaada. waxa uu helanyahay in uu soo celiyo awoodii adeerkii Siyad Barre. Goolkiisa kowaad waa in aruursado ciidan la mida kii Siyaad Barre si uu awood ugu yeesho in laayo Isaaq, Hawiye iyo Majeerteen. Hadaba cidii la siri karo ha la arko.