DAAWO: J/Land oo gacanta ku dhigtay Rag Waxyaabaha waday & Bartilmaameedkooda oo…

Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay waxyaabaha Qarxa iyo Raggii waday Qaraxyadaasi.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Axmed C/laahi Ciise ayaa faah faahin ka bixiyay Raggan la soo qabtay iyo waxyaabaha Qarxa oo ay wateen, isaga oo sheegay Raggan in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO CODKA

Waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa Saddex Bambo-gacmeed iyo Raggii watay, isaga oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen iyaga oo aan lagu fulin hadafkii laga lahaa.

Axmed C/laahi Ciise Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa u mahadceliyay shacabka Jubbaland oo ka shaqeeyay in Waxyaabahan Qarxa gacanta lagu dhigo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay