DHAGAYSO: Duqeyn lagu bur buriyay Saldhigii ugu weynaa ee Shabaab ku lahaayeen Garbahaareey

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay galabta ka dhaceen duqeyn diyaarad.

Duqeyntan oo si gaar ah uga dhacday deegaan ku dhow magaaladda ayaa lasoo sheegayaa in lala beegsaday saldhig ay kooxda Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsan Kooxda Shabaab looga laayay duqeyntaas.

Diyaaradaha Kenya ayaa loo maleynayaa iney ka dambeeyeen duqeyntan, saraakiisha DFS ee magaaladda Garbahaarey ayaana sheegaya in howlgalkaas uu ahaa mid qorsheysan.

Deegaanka la duqeeyay ayaa ahaa goob ay kooxda Shabaab dhowr mar kasoo weerareen  gudaha magaaladda Garbahaareey.

HOOS KA DHAGAYSO WARARKII UGU DAMBEEYAY


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)