Dhagayso: Dabkii Suuqa Bakaaraha oo la damiyay & Hantida ku baaba’day oo la ogaaday

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho kaas oo geystay qasaaro hantiyeed.

Dabkan oo ka kacay qeybo muhiim ah oo Suuqa katirsan ayaa lagu guuleystay in si deg deg ah loo damiyo isla xalay kadib markii ay dad badan kusoo baxeen.

Gaadiidka dam damiska oo ay leeyihiin maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadda Hormuud ayaa ka qeyb qaatay damiska dabkan.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO SIDA AY WAX UDHACEEN

“Dabka waxaa uu ka holcay meel ku dhow Suuqa Khaliifa gaar ahaan halka lagu iibiyo Malabka iyo agabyada kale” sidaas waxaa yiri mid kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada ayaa sheegay in lagu guuleystay in laga ilaaliyo dabkan inuu kusii fido guud ahaan Suuqa sidii horey udhici jirtay oo kale.

Waa Markii sedexaad oo mudo kooban uu dab qabsado Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya ee dhanka ganacsiga


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)