DHAGAYSO: Ciidamadii Gadood Sanaa Oo Sheegay In Balankii Looga baxay Dhamaatayna Wakhtigii Looqabtay…

Saraakiil Katirsan  Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ee gadoodka u jooga degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Warbaahinta u sheegay in shalay ay ku Ekeyd waqtigii ay ku heshiiyeen in DF-ka Soomaaliya ay bixiso mushaarka ciidamada ilaa hadana aysan ka helin wax jawaab ah iyo Xuquuqda ciidamada midna.

Saaakiisha la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in wasiiradii ugu yimid Balcad ee kala ahaa Warfaafinta iyo amniga sidoo kalane wakiil ka ahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku heshiiyeen in shalay oo Sabti gelinka dambe ay bixiso Dowladda mushaarka ciidamada iyo Xuquuqda kale.

Ciidamadaan ayaa sheegay in ay soo galayaan magaalada Muqdisho islamarkaana aysan ogolaan doonin Xaquuq la’aan iyagoo ku baaqay in la siiyo mushaarka ka maqan. Sidoo kale waxay sheegayn in Ciidankaan la diiwaan geliyay 4 bil ka hor ilaa hadana ay ka maqantahay Xuquuqdooda.

Hoos ka dhageyso warkaan


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here