(DHAGAYSO) Ciidamada J/Land oo laayay Saraakiil caan ah oo katirsan AlShabaab (Magacyadooda)

Afhayeenka laamaha Amaanka Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ayaa sheegay inay Dileen 6-sarkaal oo ka mid ah Xubnaha ugu sar sareeya Al-shabaab ka dagaalama Gobalada Jubooyinka kuwaas oo lagu dilay Weerar ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobalka Jubada Hoose.

Saraakiisha la dilay ayaa waxaa ka id ah Aw-maxamed, iyo indho Buur oo al-shabaab u qaabilsanaa Gobalka Jubada Hoose

RIIX HALKAN: DHAGAYSO SIDA AY WAX UDHACEEN

Afhayeenka qeybta Amniga Maamul Gobaleed Jubaland ayaa intaa hadlkiisa ku daray dilka saraashiii Al-shabaab uu wax badan ka badali doono Xaalada Amaanka Deegaanada Maamulkaasi.

Maamulka Jubaland ayaa Ciidamadiisa gaar ka ah ku amaanay Tilaabooyinka ay uqaadeen Dhanka Howlgalada lagu beesanayo Xunaha Al-shabaab oo ay sheegay inay Halis ku yihiin guud ahaan Amaanka Soomaaliya.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay