DHAGAYSO: Beesha Habar-gidir oo ku dhawaaqday Go’aan lama filaan ku noqday DF, Digniina u dirtay Farmaajo iyo Sababta Loola wareegay Xilkii Yuusuf Garaad

Kulan ay magaaladda Muqdisho ku yeesheen Odayaasha Beelaha Habar Gidir ayaa waxaa ay si weyn uga soo horjeesteen go’aankii ay dowladda Soomaaliya xilka uga qaaday Hanti-dhowrihii qarana Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Odayaasha ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku deg degay inuu aqbalo xilka qaadistii ay golaha wasiirada ku sameeyeen Dr Nuur Faarax isla markaana arintaas la siyaasadeeyay.

RIIX HALKAN: SABABTA UU FARMAAJO ULA WAREEGAY XILKII YUUSUF GARAAD

“Waxaan tabaneynaa cadaalad daro, marka anagoo ah beeshii uu ka dhashay Dr Nuur, waxaan leenahay hadii madaxweynaha ay run ka tahay cadaaladii uu ku dhaartay waa inuu sameeyaa hadii uu sameyn waayana iney beentiis tahay ayaan qaadaneynaa”ayuu yiri mid kamid ah odayaashii kulanka ka hadlay.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO CODKA

Dhanka kale, odayaasha ayaa sheegay in hadii ay dowladda ay cadaalad ka wayaan ay kala laabanayaan kalsoonidii isla markaana aysan la shaqeyn doonin.

Hadalka kasoo baxay beesha Habar Gidir ayaa kusoo aadaya xili dhawaan uu madaxweyne Farmaajo xilka ka qaaday Hanti dhowre Dr Nuur Faarax oo lagu eedeeyay in ilaaladiis ay dishay Wasiir Siraaji.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. cali says:

    Habargidir dowladda weytaageersantahay laakiin waxa qeylinaya waa dad tira yar oo Beesha ceyr katirsan. Habargidir dhamaan waa taageersanyihiin dowladda farmaajo Guul guul guul

  2. Kaligii Taliye says:

    Waa Siyaad Bare Askarigiisa Waxaad Arkeysaa Muuqalkiisa iyo sida uu u Rabo Aniga ayaa ugu Horeya,Beesha Hawiye Waa Wax Laga Naxo siday Karaamada isaaga Qaadeen.Iyagoo Gacantooda ka Saaray Qaybtii ay Somaliya Ku Lahaayeen.Sacabka u tuma Hadii aydin Ka sheekeyn Waydaan Waxa Laydin La damacsan yahay.




wararkii ugu danbeeyay