DHAGAYSO: Amar kasoo baxay J/Land & Militeriga DFS oo duulaan ku ah Saldhigyada Shabaab

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa sheegaya in la diyaariyay ciidamo xoogan kuwaas oo weerar ku ah deegaanadda ay Shabaab ka joogaan Jubbooyinka.

Saraakiil ciidan oo ku sugan magaaladaas ayaa laga soo xigtay in milliteriga Soomaaliya qeybta Jubbaland ay diyaar uyihiin iney duulaan ku qaadaan fariisimaha Jubbada Hoose ee Shabaab ku sugan yihiin.

Waxaa jira warar sheegaya in howlgalkaan ka dhanka ah Shabaab ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Kenya oo isticmaali doona diyaaradaha dagaalka.

Amar kasoo baxay maamulka Jubbadda Hoose ayaa shacabka degan gudaha Kismaayo iyo deegaanada gobolkaas loogu baaqay ineysan xiligii habeenkii waxii ka dambeeya tobankan habeenimo (Afar saac) ilaa lixda subaxnimo aysan socon.

“Amarkaas waxaan u sameynay si aysan shacabka saameyn uga yeelan howlgalka la qorsheeyay” sidaas waxaa yiri gudoomiyaha Jubadda Hoose.

Howlgalkan la qorsheeyay ayaa la filayaa in AlShabaab looga saaro deegaanadda ugu badan ee gobolladda Jubbooyinka

HOOS KA DHAGAYSO WAREYSIGA


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)