DHACDO YAAB LEH: Malxiisad Ku Sugan Hargeysa Oo Nin Isku Bedashay

Xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa waxa ka taagan arrin wax cusub ku noqotoy dadka xaafadda ka dib markii qoys dhawaaan ku aqalgalay xaafadda ay malxiisaddii la socotay aroosadda maalmo ka dib nin isku bedeshay

Arrintan oo dacwadeeda maxakamadda loo gudbiyey ayaa malxiisadda inay nin tahay la ogaado ka dib markii ninka arooska ah oo shaqaale ka ah mid ka mid ah warshadaha yar-yar ee sharaabka sameeya uu maalin shaqada ka joogay xanuun awgii, waxaanu xilli uu qolkiisa jiifka uu ku jiray uu maqlay qof cod nin leh oo xaaskiisa qolka ku xiga ka uu ku jiro kula sheekaysanaaya, wuu soo baxay si uu u hubiyo qofka , waxaanu arkay xaaskiisa oo ay la fadhido gabadhii uu ku yaqaanay malsxiisadda oo markasta iyadu ku labisata intii uu arkaayey Xijaab iyo Niqaab/indho-shareer, waxa uu weydiiyey ninka uu maqlaayey cidda uu la hadlaayey xaaskiisii ayaa ugu jawaabtay cidna noomay iman ee waa aniga iyo saaxiibtay oo kaliya.

Wuu shakiyey waxaanu tagay saldhigga Booliska xaafada oo ka agdhawaa , askartii ayaa soo raacday waxayna si ay u hubiyaan ku amreen malxiisaddii inay indho-shareerka bixiso , waxayna arkeen in uu nin yahay , sidoo kalena waxay ka dhigeen xijaabkii , waxaanu noqday nin caadi ah.

Dad arrinta ka warhayey ayaa ii sheegay inay aroosaddu ku jawaabtay in markii horeba ninka iska dhigay malxiisaddu uu ahaa ninkeedii . arrintaasi halka ay ku dambayso aad ayaa loogu dhagtaagayaa.

XIGASHO: CUMAR SERBIA


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)