DHACDO NAXDIN LEH: Nin Xaaskiisa Labada Dhagood ka jaray & Gabadha oo dalbatay in Xabsi….(SAWIRO)

Haweeney 23-jir kasoo jeeda Afghanistan ayaa BBC usheegtay sida uu ninkeeda uu labadeeda dhagood ugu jaray, dhacdadaas ayaana ka dhacday gobolka waqooyiga ku yaal ee  Balkh.

Gabadhan oo lagu magacaabo Zarina ayaa haatan xaaladeeda caafimaad wax looga qabanayaa isbitaalka.

“Wax danbi ah ma aanan gelin, mana ogi sababta uu ninkeyga falkaan iigu sameeyay aniga,” ayay sheegtay Zarina.

Weerarkaas kadib, xaaskan dhagaha laga jaray ninkeeda ayaa baxsaday sidaasna waxaa sheegay saraakiil uhadashay booliska.

Zarina oo la hadleysay WARGEYSKA Pajhwok  ayaa sheegtay in ninkeeda uu kiciyay kadibna uu midi u adeegsaday inuu dhagaha kaga jaro.

Waxaa ay sidoo kale BBC usheegtay in ninkan ay isguursadeen iyadoo 13 sano jir ah, laakiin wax xariir wanagsan ah ma aysan laheyn, waxaana ay dooneysa inuusan sii ahaan ninkeeda.

“Waa Nin shaki badan, waxaana uu marar badan igu eedeeyaa inaan rag la hadlayo, marka aan booqanayo waalidkeyga,” ayay tiri Zarina taas oo dhanka kale sheegtay iney dalbaneyso in ninkaas la xiro oo maxkamad lasoo taago.

Falkan ayaa ah kii ugu danbeeyay ee ka dhaca dalkaas Afghanistan, waxaana haweenka dalkaas Afghanistan ay la kulmaan dhacdooyin aan caadi aheyn:

  • Bishii January 2016, gabar yar oo lagu magacaabo Reza Gul, ayaa sankeeda waxaa ka jaray ninkeeda

  • Bishii November ee sanadkii 2015, gabar yar ayaa dhagax lagu dilay gobolka Ghor kadib markii lagu eedeeyay iney gogol dhaaf sameysay.
  • Bishii March 2015 gabar kasoo jeeda Kabul, Farkhunda, ayaa la garaacay kadibna lagubay waxaase lagu helay danbi ah iney gubtay kitaabka quraanka
  • Bishii September 2014, nin ayaa qeyb kamid ah sanka naagtiisa jaray isagoo u adeegsaday mindida jikada.
  • Sanadkii 2010, kiisii Aisha ayaa aduun weynaha oo dhan kasoo muuqday 18 jirkaan ayaana waxaa uu ninkeeda ka jaray sanka iyo dhegaha, waana ay ka carartay.

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)