Dhacdo Naxdin leh: Askari Xaaskiisa si bareer ah ugu dilay Muqisho..

 

Akari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xalay xaaskiisa ku dilay degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane askariga dilay Xaaskiisa ayaa ka tirsan askarta Booliska Saldhiga degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

” Maxamed Baniiin Ibrahim Waa Askari Katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xalay ayey Xaaskiisa oo Lagu Magacaabo Iftin Cusmaan Yusuf ay Xabad Uga Fakatay Waana Dhimatay” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir.

 Ma ahan askarigii ugu horeeyay ee Xaakiisa dila,waxayna dhacdadaan noqotay mid soo noq noqotay oo inta badan salka ku heysa arimo Hinaaso ama maseyr.

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)