Dhaarta Xasan Sheekh Saacado Ka hor Jeediyey Oo gil gishay Villa Soomaaliya

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka,iyadoo waxyaabo badan uu soo hadal qaaday.

Xasan Sheekh Ayaa wareysi uu bixiyey saacado ka hor waxa uu sheegay inuu wer wer ka qabo Xaalada Galmudug,Itoobiyaanka loo daabulay iyo Arimaha siyaasadeed sida loo wajahayo.

Waxa uu xildhibaan sharafeedka katirsan Golaha Shacabka uu shaaca ka dhigay in Khatar kasoo foogan tahay Galmudug hadii aan wax laga badelin juujuubka iyo Awooda la isticmaalayo.

“Wallaahi baan ku dhaartaye,sida aan dareemayo Galmudug waxaa lala rabaa mid ka daran tii Koonfur Galbeed Sanadkii hore inay ka dhacdo oo dhiig lagu daadiyo,ayuu yiri Xasan Sheekh”.

Madaxweynihii hore Ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo Dawlada uu hogaamiyo.

Waxa uu ku eedeeyey inay Caburin iyo arimo aan munaasab aheyn ku hayaan Siyaasiyiinta ka fikirka duwan taasna ay ugu baaqayaan inay joojiyaan.