DFS iyo Maamul goboleedyada oo kala qeybsaday Xubnaha uga qeyb galaya Shirka London (Tirada)

Dhawaan waxaa la filayaa in Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska uu ka furmo shirka looga hadlayo arrimo Soomaaliya oo ay hormuud u tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada shir kula yeeshay Magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleyn arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya oo ay ka mid aheyd sida loo sugayo amniga iyo ciidamada Somaaliya loo qorayo.

Qodobka kale ee muhiimka ah oo ay dowladda iyo Maamul Goboleedyada kawada hadleen ayaa wuxuu ahaa shirka London ka furmayo, waxayna dowladda Soomaaliya Maamul Goboleedyada ku qancisay inay dowladda uga dambeeyaan shirkaas ayna noqdaan wafdi kamid ah wufuudada Madaxwyenaha.

Warar lagu kalsoon yahay oo la helay ayaa sheegaya in maamul goboleedyada loo ogolaaday iney xubno ku yeshaan shirkaas muhiimka u ah Soomaaliya

Maamul goboleed kasta ayaa madaxweynihiisa waxaa loo ogolaan doonaa inuu horey u wato 2 shaqsi oo uu isaga seddex ku yahay, waxaana arrintaas isla og dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Dowladda dhexe waxaa u matali doono Madaxweynaha Soomaaliya oo horkici doono wafdi heer sare ah, sidoo kalana waxaa ka qeyb geli doono dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada, waxayna isku darka wufuudda loo ogol yahay Maamul Goboleedyada noqoneyaa ilaa 15 shaqsi oo ay ku jiraan Madaxweynayaasha maamuladaas.

Go’aankaan ayaa waxaa soo saartay Dowladda Soomaaliya oo guddoomiyaha guddiga shirka ka dhigtay Cabdiraxmaan Ceynte.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaranka Soomaaliya ayaa xubno ku yeelan doona shirka halka sidoo kale aqoonyahano iyo siyaasiyiin la marti qaaday


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)