Home WARARKA DF oo shaaca ka qaaday dowladii ka dambeysay Duqeyntii lagu xasuuqay 42...

DF oo shaaca ka qaaday dowladii ka dambeysay Duqeyntii lagu xasuuqay 42 Soomaali ah

1
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 24-Saac ka dib War Culus ka soo saartay Qaxootigii Soomaalida ahaa ee Shalay lagu Xasuuqay Xeebta Xudeefiya ee Wadanka Yemen, kadib markii Diyaarad Nuuca Qumaatiga u Kaco ah ay Gantaal ku dhufatay Doon ay ku socdaalayeen Qaxooti Soomaali ah oo doonayay in ay gaaraan Wadanka Suudaan.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Qaxootigii Soomaalida ahaa ee Shalay lagu Xasuuqay Xeebaha Yemen ay Mas’uul ka yihiin Isbaheysiga uu Sacuudigu Hogaamiyo iyo Dowladda Yemen ee QM ay Aqoonsan tahay.

“Waxaan ka Xunnahay Xasuuqa Foosha Xun ee lagula kacay Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku Safrayay Doonta,kuwaas oo ahaa Qaxooti Mudo ku noolaa Yemen,balse hadda doonayay in ay Nolol u raadsadaan meelo kale,wax la Aqbali karo ma ahan,waxaana Mas’uul ka ah Xulufadda Isbaheysiga la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen”ayuu yiri Wasiir Haddliye.

Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeyn ah oo ay ka geysteen Xeebaha Yemen,waxaana Gantaal lagu dhuftay Doon ay la socdeen Soomaali Qaxooti ah ku dhintay 42 Ruux ,halka 80 kale ay ku dhaawacmeen.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here