Degmada CeelBuur yaa ku matala labada Aqal iyo Xukuumada ? Warbixin Layaab Leh

Degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud ayaa noqotay degmo la iska hilmaamay oo ay dayaceen masuuliyiintii iyo dadkii kasoo jeeday, waxaana Degmadaasi hada noqotay mid ay ku nool yihiin kaliya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamo tiro yar oo Soomaali ah.

Ceel Buur oo kamid aheed Degmooyinka qadiimiga ee dalka ayaa dadkii ku noolaa isaga qaxeen kadib markii halkasai la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah, waxa ayna dadkii degnaa halkaasi ku dhibaateesan yihiin deegaano ku yaala Miyiga Ceel Buur.

Dowlada Soomaaliya ayaanan keenin qorshe degmadaasi wax loogu qabanayo dibna loogu soo celinayo dadkii ka barakacay, waxaana Degmadaasi ay noqotay mid bur burtay oo ay adag tahay in ay kasoo kabsato dhibka gaaray sanadihii ugu dambeeyay.

Degmada CeelBuur yaa ku matala labada Aqal iyo Xukuumada ?

Waa su’aal ay adag tahay in jawaab saxan oo waafi ah laga bixiyo, marka aan eegno labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xukuumada Soomaaliya waxaa ku jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku dhashay Degmada Ceel Buur iyo deegaano hoostaga.

Xubnahan labada Aqal ku jira ee Magaca Degmada Ceelbuur iyo dadka degmadaasi ku abtirsada Dowlada kusoo galay ayaa la dhihi karaa waa magac u yaal aan si dhab ah u matali Degmadaasi iyo dadka kasoo jeeda marka xaqiiqda loo eego.

Xubnahaasi ayaanan tegin Degmada Ceel Buur mudo sanado ah, waxna kalama socdaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta degmadaasi oo hada la dhihi karo waa Degmo ay ka taliyaan Itoobiyaan maadama aysan ku nooleyn hal qof oo shacab Soomaaliyeed ah.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Labada Aqal iyo Xukuumada waxaa ku jira Siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Gobolo iyo degmooyin kala gedisan, waxa ayna Siyaasiyiintaasi yihiin kuwa mar walba muujinaya in ay matalaan halka ay kasoo jeedaan iyo dadkooda kana hadla dhibka heesta.

Xildhibaanada Labada Aqal ku jira ee kasoo Jeeda Ceelbuur iyo masuuliyiinta kale ayaan marnaba afkooda laga maqal iyaga oo ka hadlaya dhibaatada Ceel Buur ka jirta ama dhibaatada abaareed iyo mida kale ee heesata dadka ay mataan ee ku dhibaateesan Deegaano hoostaga Ceel Buur

Marka ma filayo in aan qalad sameeyay hadii aan iraahdo ma jiraan cid Ceel Buur ku matasha labada Aqal iyo Xukuumada , waayo iyagaa dayacay Deegaankoodii iyo dadka ay magacooda kuraasta ku fadhiyaan mana ka warhayaan dhibaatada heesata dadkaasi ay magacooda ku caano maalayaan.

Waxaa sidoo kale Eeda dhinaceeda ka leh Qurbo joogta daafaha Dunida kunool ee kasoo jeeda Ceel Buur iyo sidoo kale ganacsatada kasoo jeeda degmadasai , kuwaa oo iyana gabay kaalintoodii kaga aadaneed dadka iyo Deegaanka ay kasoo jeedaan.

Waxaa xusid mudan in Degmada Ceel Buur ay kasoo jeedaan dadka ugu hantida badan Soomaaliya xiligan, hasa ahaatee hantida ay dadkaasi heestaan ayaa lagu maal galiyaan deegaano kale iyo sidoo kale dalal shisheeye.

Tusaale hadii aan soo qaadano Degmada Cadaado oo iyana kamid ah Degmooyinka Galgaduud waxaa xiligan ka jira Hurumaro aan la inkiri karin, waxaana Degmadaasi noqotay mid horumartay oo abuurtay dhaqaale badan sidoo kale nabad ay ku noolyihiin dadka halkaasi degan.

Cadaado waxaa heerkaasi gaarsiiyay dadkeeda oo isugu jira Siyaasiyiin, Qurbo joog, Ganacsato , waxa ayna astaan u noqdeen dadkaasi horumarka balaaran ee xiligan ka jirta magaalada Cadaado oo hada ah xarunta KMG ee maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqayaa Xubnaha Dowlada ku matal Degmada Ceel Buur in ay isbadal sameeyaan lana yimaadaan qorshe degmadaasi iyo dadkeeda lagu bad baadinayo looguna gurmanayo dadkii ka qaxay ee ku dhibaateesan dhulka miyiga ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)