DEG DEG:Wasiirka Amniga Qaranka oo heshiis Qarsoodi ah nairobi kula galaayo dal Yurub oo soomaali Laga soo tarxilaayo

Sida aan kasoo xiganay mid kamid ah wargeysyada ugu waa weyn dalka norway ayaa shegaayo in wasiirada soo galootiga dalka Norway kulan qarsoodi ah magaalada nairobi kula qaadan doonto wasiirka Amniga qaranka ee dowlada soomaaliya.

Kulankaas oo ah mid qarsoodi ah loogana hadli doono laba arin oo kala ah arinta dugsi Qur’aanada caruurta soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka soomaaliya iyo heshiis qaxooti soo celin ah kasoo norway hore ula gashay dowlada soomaaliya oo ladhaqan gelinaayo.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO

Haweeneyda lagu magacaabo listhaug ayaa maalmahan safaro kumarayse qaar katirsan dalalka africa si ula saxiixato heshiis dib usoo celinta qaxootiga inkastoo iska soo diideyn dowladaha Suudaan iyo Itoobiya.

Norway ayaa hore ushaacisay in soomaali gaarayso 1600 qof soomaali ah sharciyadooda dib u qiimeyn ku sameyn doonto madaama ay sheegtay in soomaaliya amnigeeda soo hagagaayo.

Goorta ay baahiyeen kulankaan qarsoodiga ah warbaahinta norway ayaa dareenka soomaalida ku nool dalkaas siweyn u kacay waxaana qaar badan ka walaacsanyihiin in dib loogu celiyo gudaha dalka soomaaliya.

Xigasho VG


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay