DEG DEG:Dab xoogan oo goor dhow qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha

Dab aad u xooggan ayaa goor dhow oo caawa ah ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn ganacsiga Somalia.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dabku uu ka bilowday qeybta harqaamada iyo meelo kale oo ku dhow goobihii uu baabi’iyey dabkii todobaadyo ka hor qabsaday isla suuqan.

Dadweyne fara badan oo ganacsi ku leh Suuqa iyo gaadiidka dab demiska ayaa halkaas ku sii cararaya, waxaana aad u kacsan xaalada Suuqa.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena ugu horeeya Insha Allaah

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)