DEG DEG: Weerar Qaraxyo & Dagaal Toos Ah Oo Ka Dhacay Goordhaweyd…..

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dhoobleey Ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya weerar Ku Bilowday Qarax islamarkaana Dagaal toos ah uu xigay halkaas uu ka dhacay waxaana soo baxaya warar dheeraad Ah.

Qarax Miino ayaa lagu Beegsaday Ciidamo Kenyaan ah Oo Marayey Inta udhaxeysa Qooqaani iyo taabto waxaana kadib rasaas toos ah ay dhex martay Ciidamada Kenya iyo Kooxdii wadada ugashay.

Ururka Al Shabaab ayaa Sheegtay Mas’uuliyada Weerarkaan waxaana ay ku faaneen in gaari Nuuca Taawga loo yaqaan looga gubay Ciidamada Kenyaatiga ahaa.

Al Shabaab ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay Weerarkaan balse aysan tiro rasmi ah soo bandhigi Karin.

Ciidanka La beegsaday waxay kasoo baxeen Degmada Dhoobleey waxaana ay kusii wajahnaayeen Degmada Afmadoow Ee Isla Gobolka Jubbada Hoose.

Tiro dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale Al Shabaab ku weerareen Kollonyo katirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda Dalka Kenya Ee Gobollada Jubbooyinka ka howlgala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here