Ka dib howlgalo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanada jubboyinka ay waxay ku guuleesteen xureeynta buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.
Buundada Araare ee G/Jubbada Hoose ayaa Al-shabaab waxa ay halkaasi u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha ay ka qaado shacabka isticmaala buundada Araare.
Taliyaha ururka 58-Aad ee guutada 11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali ayaa sheegay in maanta Al-shabaab laga saaray buundada Araare ee G/Jubbada Hoose oo u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha.
Gaashaanle dhaxe Cabdi Ibraahim Cali waxa uu xaqiijhiyay in dagaal ay lagaleyn Al-shabaab ay ugu dileyn 7 dagaalame sidoo kalane ay ka furteen hubkii ay wateen xubnahaasi.
Sidoo kale mas`uulkaan ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ayaa nolosha ku qabteen labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay dagaalkii buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.
Buundada Araare ayaa 7km u jirta degmada Jamaame ee G/Jubbada, waxayna ciidamada xoogga dalka sidoo kale u ruqaansade degmada jamaame oo xarun u ah nabadiidka Al-shabaab, taasoo la filayo in dhawaan lagala wareego kooxdaasi mabad-didka ah.