Deg Deg: Wasiirada Cusub (Badbaado Qaran) iyo Qabiiladooda!

Nabiga NNK wuxuu yiray: ” Diinta Waa Nasteexo ama waa talo wuxuuna ku celi celiyey 3 jeer”.  Waxaa la weydiiyey yey u tahay? Wuxuu Nabiga NNK uu ku jawaabay: ( Ilaahey oo laga talo qaato, Kitaabkiisa Quraanka oo laga talo qaato, Nabiga NNK oo laga talo qaato, Madax Muslimiinta oo laga talo qaato oo loola jeedo in amarkooda sidiisa loo fuliyo haddii ay macsi aheyn, iyo shacabka oo laga tala qaato.”

النبي صلى الله عليه وسلم قال ( الدين النصيحة ثلاثا قلنا لمن يا رسول الله قال لله ولكتابه ولرسوله ولأئمة المسلمين وعامتهم ) رواه مسلم.

Taaso loola jeedo diintoo dhan talo wanaagsan oo lagu nool yahay.  Soomaalidana waxay tiraahdaa talo adigaa ku nool ee iyada kuguma noola.  Waxaa jira xan ah sababta uu RW Kheyre uu ula soo daahay magacaabista inay tahay inuu rabo inuu so dhiso xukuumadda  badaado oo isbedel doona oo waddiniyiin ah oo tuugnimo ama musuq lagu tuhmeynin ama akhlaaq daro oo ama kuwa balwado leh sida khaadka iyo khamriga oo afarta sano shacabka ka badbaadin karo marxaladda khatarta badan oo ay  ka mid tahay: colaadda ama amni darada, dhaca iyo boobka, musuqmaasuqa, cadaalad darada, jahliga,  dib u dhaca,  qabyaaladda iyo daba dhalifnimo iyo shisheeye kal kaalnimada iyo isu munaafiqeynta.  Sidaa darteeda waxaan kula talinayaa in ragga iyo haweenka hoose ku qoran ay masali karaan sifaadka kor quran iyo kuwa hoose ku qoran:

  1. Isbedel doono
  2. Amaano
  3. Aqoon iyo waayo aragnimo furan
  4. waddanimo
  5. Dhaqan badbaadin diin, dal iyo dad jeceyl ku saleysan.
  6. Taariikh madow ama musuq maasuq cad lagu heyn (ciddii wax ku og walaalaha hoose ku qoran fadlan si deg deg ah ugu gudbiya RW Hassan Cali Kheyre idankoo haya caddaymo cad cad oo mugdi ku jirin.

Wasiiradan waxaan u bixiyey wasiirada BADBAADO QARAN WAANA KUWAN IYADOO KU HOR QORAN QABIILADOOD SI CADDAALAD DARADA XAFIIS QEYBINTA 4.5 U DHIMATO.   HALBEEGA WAA KAN KU QORAN QURAANKA EE SUURADDA YUSUF EE AH:

  1. AMAANO, HUFNAAN IYO AKHLAAQ SARE OO AAN MIDNA BALWAD LAHEYN
  2. AQOON IYO WAAYO ARAGNIMO GUUD:
  3. Dr. Hussein Warsame, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ahna RW ku xigeen, Qabiilka (Somali, Wadani)
  4. Dr. Abdirahman Sulub Wasiirka Qorsheynta,Qabiilka (Somali, Wadani)
  5. Sh. Mohamed Idiris, Wasiirka Warfaafinta, Qabiilka (Somali, Wadani)
  6. Sh. Mustafa Harun, Wasiirka Maaliyadda, Qabiilka (Somali, Wadani)
  7. Md. Abdi Baasid Mohamed Abdiraxmaan ( Afhayeenkii hore ee gobolka banaadir), Wasiirka Arimaha Gudaha, Amniga Qaran, iyo Federaalka, Qabiilka (Somali, Wadani)
  8. Md. Abukar Armaan, Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Qabiilka (Somali, Wadani)
  9. Md. Mohamud Nur Tarsan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Qabiilka (Somali, Wadani)
  10. Md. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Wasiirka Dhaqan Celinta iyo Hubdhigista, Qabiilka (Somali, Wadani)
  11. Sh. Nuur Baaruud, Wasiirka Awqaafta iyo Artimaha Diiinta, Qabiilka (Somali, Wadani)

10  Dr. Abdirahman Baadiyow, Wasiirka Difaaca Qaranka ee Soomaaliya, Qabiilka (Somali, Wadani)

  1. Md. Mohamed Bare, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Boostada, Qabiilka (Somali, Wadani)
  2. Dr. Abdirahman Bayle, Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Qabiilka (Somali, Wadani)
  3. Dr. Maryan Qaasim, Wasiirka Caafimaadka, Qabiilka (Somali, Wadani)
  4. Md. Hamdi Sheikh, Wasiiradda Arimaha Bulshada, Shaqaalaha iyo Haweenka, Qabiilka (Somali, Wadani)
  5. Xildhibaan Mohamed Kaynaan ( Minnesota), Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Qabiilka (Somali, Wadani)
  6. Dr. Farah Qare, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda,
  7. Ing. Nadiifo Mohamed Osman, Wasiiradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Qabiilka (Somali, Wadani)
  8. Md. Qaasim Busuri, Wasiirka Waxbarashada, Qabiilka (Somali, Wadani)
  9. Hussein Sh. Nur, Wasiirka Beeraha iyo Xanaada Xoolaha, ( Somali, Wadani)
  10. Md. Xildhibaan Sadiq Warfaa, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada (Somali Waddani)

Xafiisyada Qaranka Qaar Ka Mid ah:

Dr. Mohamed Ingriis,  Madaxa xafiiska siyaasada ee RW Kheyre, Qabiilka (Somali, Wadani)

Md. Daa’uud Ciid,  Madaxa Xafiiska ama commission ka la dagaalanka musuq maasuqa, Qabiilka (Somali, Wadani)

Dr.  Sacdiyo Adan, Madaxa Xafiiska ama commission ka Ilaalinta xuquuqul Insaanka, Qabiilka (Somali, Wadani)

Avv. Mohamed Keynaan (London), La Taliyaha Sharciga ee Xafiiska RW  Kheyre. Qabiilka (Somali, Wadani)

Sh. Bashiir Salad,  Madaxa Golaha madax banaan ee Culumada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda, Qabiilka (Somali, Wadani)

Taladan oo qoraal ah ayaan gudbiyey la taliyaha Xafiiska MW Farmaajo. Raali gelin dad badan oo Soomaali waddaniyiin ah oo Aamin ah oo aqoon leh oo aan ka tegay waayo shardi ma’ahan in Soomaali oo dhan ay madax wada noqdaan.  Allahuma Hal Ballagtu Fash had ( Ilaahey waajibkeygii la talinta dowladda waan gutay marqaatina adigaa igu filan).

Imam/Dr.  Hassan Jaamici,

Director of Minnesota Dacwah Institute (La Taliyaha Shacabka)


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ha i dagin says:

    SOMAALI WAA QABIIL QABIILNA MA DHAAFEYSEE MAXAA U QARISEEN QABIILADA WASIIRADA SOMALIYEEY QABIIL WAKAA AAN WAX KU QEYBSANEE MALEYS WAALAA




wararkii ugu danbeeyay