DEG DEG: Wasiir Katirsan Puntland oo Qarax Miino Lala’eegtay..

Warar Dheeraad Ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay laamiga weyn bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaari HELUX ah oo uu la socday wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay

Wararka Qaar ayaa Sheegaya In xilliga uu dhacayey qaraxa uu gaariga la socday wasiirka, balse uu ka badbaaday.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhawaacmay qaraxaasi, kaas oo ka mid ahaa ilaalada Shire Xaaji Faarax.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa, kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, islamarkaana baaritaano ay ka sameeyeen halkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay gudaha gudaha magaalada Boosaaso waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here