Wararka nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in goor dhow saxaafadda looga yeeray xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, xilli la filayo in la magacaabo golaha wasiirada.
Ulajeedka saxaafadda looga yeeray Villa Soomaaliya weli si rasmi ah looma hayo, waxaase loo maleynayaa iney la xiriirto magacaabista wasiirada cusub ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxa alaga yaabaa in loogu yeeray madaxweyne Farmaajo oo mas’uuliyiin sare kula kulmi doona Villa Soomaaliya, balse saadaasha ayaa u badan wasiirada la magacaabayo.