DEG DEG: Wareegii Labaad ee doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle oo loo gudbayo iyo musharax tanaasulay

Waxaa lasoo gaba gabeeyey wareegii koobaad doorashadii ka socotay Magalaada Jowhar kursiga koobaad ee golaha Aqalka sare iyadoo maqribkii kadib ay doorashada bilaabatay muddo la is hayey.

Xasan Cadaay,C/llaahi Sheekh Xasan,Axmed Daaci iyo Muuse Suudi ayaana ku tartamayey kursigaan iyadoo la hor istaagay in si fudud uu ugu guuleysto kursigaasi Senetor Muuse Suudi Yalaxoow.

XAJI MUSE 51 COD.

AXMED DAACI 28

C/LAHI SH XASAN 15

DR CADAAY 2

Iyadoo labo cod ay halaabeen

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle C/xakiin Luqmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada isagoo shaaciyey in wareeg labaad ay ugudbeen seddexda murashax ugu codka badnaa, balse waxaa ka haray Cabdullahi Sheekh Xasan oo sheegay inuu tanaasulay.

Lacag badan ayaa lagu kala qaatay hoolka doorashada iyadoo kumanaan dollar xildhibaanada hirshabelle lagu siiyey waxaan wareega labaad iyana la filayaa in doorashada lagu kala bixi doono.