DEG DEG: Sheekh Umal Oo Goordhaweyd Kasoo Degay Muqdisho & Ujeedka Socdaalkiisa

Wafdi uu Hogaaminayey Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxay maanta barqadii kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Sheekh Umal iyo Culimada La socota ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan waxaana ay sheegeen in barnaamij gaar ah ay uyimaadeen Muqdisho.

Sheekh Umal oo sidoo kale ka mid ah Ganacsatada ugu waa weyn Ee Soomaalida Dalka Kenya Xarumo ganacsi ku leh ayaa Deeq ay soo uruuriyeen Walaalaha Soomaaliyeed Ee Dalkaasi usoo wakiishay.

Gudiga Gurmadka  Qaran Ee Dalka ayaa meesha kusugnaa oo Sheekh Nuur Baaruud iyo xubno  kale ka mid yihiin oo lacag ka gudoomi doona Sheekh Umal iyo Culimada la socdota.

Waxa Lacagtaasi ay tahay mid dhaqaale loogu yaboohayo dadkii Ku waxyeeloobay Weerarkii Musiibada ahaa ee ka dhacay Muqdisho Ee Soobe 14 kii bishii Hore oo Maanta bil laga joogo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)