Home WARARKA DEG DEG: Qatar oo Diyaarado Dagaal kala wareegtay Mareykanka & Maraakiib Dagaal...

DEG DEG: Qatar oo Diyaarado Dagaal kala wareegtay Mareykanka & Maraakiib Dagaal oo gaaray Doha (KHILAAFKA CARABTA)

1
0

Dowladaha Mareykanka iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya 12 Bilyanka Dollarka ah taas oo nooca diyaaradaha ee  F-15 lagu kala iibsanayo xili maamulka madaxweyne Trump uu ka walaacsan yahay khilaafka diblumaasiyadeed ee ka taagan Khaliijka

Heshiiskan ayaa dhexmaray wasiirka difaaca Qatari Khalid Al Attiyah iyo dhigiisa dalka Mareykanka Jim Mattis kadib kulan ka dhacay magaaladda  Washington arbacadii shalay sidaas waxaa ku warantay wakaaladda wararka ee  atar News Agency (QNA).

Wasiirka dibadda Qatar Attiyah oo ka hadlayay heshiiskan ayaa yiri “ Xariirka wada shaqeyn ee mudada dheer aan la leenahay saaxiibadeena Mareykanka ayaan ku hormarinay awoodeena militeri”

Wasiirka ayaa sheegay iney doonayaan iney xoojiyaan xariirka dhanka difaaca ee Mareykanka iyo Qatar si  awood loogu yeesho in laga hortago dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Sidoo kale Wasiirka Difaaca Qatar ayaa sheegay in heshiiskan uu dowladiisa siinayo iney sii kordhiso awoodooda militeri ayna xoojineyso xariirka labada dale e Qatar iyo Mareykanka

Heshiiskan militeri ayaa kusoo aadaya todobaad kadib markii madaxweynaha dalka Mareykanka uu saxiixay heshiis ku kacaya  $110bn oo uu la galay boqortooyadda Sacuudiga

Sidoo kale waxaa uu heshiiskan imaanayaa xili wadamada Khaliijka uu ka dhex taagan yahay khilaaf xoogan gaar ahaan xulufadda Sacuudiga iyo dowladda Qatar

Sacuudiga, Imaaraadka (UAE), Bahrain iyo tiro dowlado ah ayaa xariira ujaray Qatar horaantii bishan iyadoo loo haysto iney taageereen argagaxisadda iyo dowladda Iiraan, laakiin Qatar ayaa dhamaan eedeymahaas beenisay

Xukumadda Riyadh ayaa xirtay xaduuda ay la leedahay Qatar, sidoo kale waxaa la xiray dhanka duulimaadyada

Maraakiib Dagaal oo Mareykanka laga leeyahay ayaa gaaray Qatar

Hormar kale, Labo Maraakiib ayaa gaaray magaaladda Doha Arbacadii shalay iyagoo ku biiraya dhoolatus halkaas ka socda

“Maraakiibka Mareykanka ayaa soo gaaray dekadda  Hamad  ee Koofurta  Doha si ay uga qeyb qaataan dhoola tuska maraakiibka ee maraakiibta  Qatari,” sidaas waxaa sheegtay wasaarada difaaca

Ma cadda ilaa haatan hadii labadan markab tagitaankooda ay aheyd arin lasii qorsheeyay kahor inta uusan Khilaafka dhicin iyo hadii arintaas dib laga sameeyay

Dalka Qatar ayaa marti geliyay saldhiga militeri ee ugu weyn Mareykanka ee Bariga dhexe  halkaas oo la geeyo  11,000 oo askari, sidoo kale waxaa ka duula ilaa 100 diyaarad

 

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here