DEG DEG: Qaraxyo Waa weyn oo caawa ka dhacay Dalka Itoobiya & Khasaaraha ka dhashay

Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Weerar culus lagu qaaday Hoteel ku yaal Magaalada Bahardar ee Dowlad Deegaanka Itoobiya.

Hoteelka La weeraray ayaa waxaa lagu Magacaabaa Dashin kaas oo bartamaha uga yaal magaalada Bahardar ee Caasiamda Qomiyada Amxaarada.

Sida dad goob joogayaal ah iyo Saraakiisha Magaaladaaas laga soo xiganayo waxaa Gudaha Hoteelka laga maqlay Qaraxyo culus kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa adag in faah faahin intaa ka badan laga helo maadaamada isgaarsiinta Bahardar ay aad u adagtahay ciidamada Itoobiya ayaa wada howlgal xoogan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)