DEG DEG Qarax xoogan oo kadhacay Muqdisho lana eegtay mid kamid ah…

Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah  Degmooyinka Gobolka Banaadir ,kaasi oo ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa lagu soo xiray gaari uu lahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qarax uu ka dhashay Khasaro kala duwan,waxaana gaariga uu ku qarxay Wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa lagu soo xiray gaariga uu lahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here