DEG DEG: Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Miino oo la sheegay in lagu soo qariyay Bac oo la dhigay Maqaayadd ku taalla Agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho ayaa dhalisay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo Magaciisa lagu sheegay Baddel,waxaana ku dhaawacmay 7 Qof oo Saddex kamid ah ay yihiin Shacab.

Waxaa Goobjoogeyaal ay sheegeen in Maqaayadda ay Burburtay,iyadoo Miinada la sheegay in la soo dhigay Dhabarka dambe ee Maqaayadda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)