DEG DEG: Qarax ka dhacay Goob lagu daawanayay Doorashada iyo Ciidamo…..

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gooblka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi  uu ka dhacay Qarax.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Bambada gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu tuuray goob maqaaxi ah oo Doorashada laga daawanayay.

2 Qof ayaa ku dhaawacantay inta la xaqiijiyay, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka iyo dadka degaanka.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)