Home WARARKA DEG DEG: Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhaw Lagu Galay Ciidanka AMISOM+Meydad Daadsan

DEG DEG: Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhaw Lagu Galay Ciidanka AMISOM+Meydad Daadsan

7
0

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Deegaanka Weydoow la yiraahdo oo udhaw KM13 Dueedka Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaari ismiidaamiyey loo adeegsaday oo lagu beegsaday Kollonyo katirsan Ciidanka AMISM waxaana jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa hadda xaaladu waa kacsan tahay meydad ayaa yaalla Wadadad,Barakacayaal ayaa ubadan deegaanka qaraxa uu ka dhacay qeylo ayaa la maqlayaa iyo Tiiraanyada meelaha qaar.

Isku socodkii dadka iyo Ganacsiga ayaa istaagay waxaana wadadaasi ay aheyd mid mashquul badan oo baabuurta Afgooye ilaa Xamar ayaa aad u adeegsada.

NAGA FILO FAAH FAAHIN DHEERAAD AH

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here