Home WARARKA DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo Caawa Ruxay Muqdisho & Dagaal...

DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo Caawa Ruxay Muqdisho & Dagaal Toos ah oo socda

2
0

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku miidaamiyay maqaaxi lagu magacaabo Posh oo ku taalla nawaaxiga Isgooyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa kadib ayaa sida la tilmaamay waxaa Kooxo hubeysan ay gudaha u galeen maqaaxida halkaasi oo ay ka bilaabeen rasaas.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay Weerarkan maadaama weli la maqlayo rasaas xoogan oo ka dhaceysa gudaha maqaaxida la weeraray.

Waa Weerarkii ugu horeeyay oo ka dhaca Caasimada Soomaaliya, tan iyo bilawga Bisha Ramadaam, iyadoona xusid mudan in Magaalada Muqdisho weli uu ka socdo howgalka xasilinta.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here