DEG DEG: Qarax Ismidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ka dhacay degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa Warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana wararka sheegayaan in uu ahaa ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa bartamaha wadada u dhaxeysa saldhiga Xamarweyne iyo Sarta Ganacsiga ee City Mall oo ku taala degmada Xamarweyne, halkaas oo dad badan ay ku sugnaayeen.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo xiray halka uu ka dhacay qaraxa.

Faah faahinta warkaan kala socoda halkaan