DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay magaaladda Muqdisho

War Goordhow soo gaaray shabakadda Badweyn Online ayaa waxaa uu sheegayaa in Qarax uu ka dhacay Gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid uu ku xirnaa gaari nooca raaxada ah ayaa qarxay xili uu ku dhex jiray Garaasha ku yaalla Xaafadda Kaawa Godeey ee Degmada Wadajir, waxaana la sheegayaa in jugtiisa laga maqlay Xaafado kale oo ka tirsan degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu saameyn ku yeeshay Guri ku deganaa Garaasha uu ku jiray gaariga qarxay, isla markaana uu soo gaaray burbur xoogan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu geystay Khasaaro, In kastoo aan weli la cadeyn inta uu la egyahay, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska.