DEG DEG: Shabaabkii Ugu Badnaa oo ku dhamaaday Qarax goordhow ka dhacay duleedka Beled-weyne

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan, gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab oo qarax ka buuxay, ayaa ku qarxay duleedka Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Gaarigaan ayaa la sheegay noociisa inuu ahaa NOAH, waxaana sarnaa Todobo ruux oo ka tirsan Al Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in gabi ahaanba dadkii saarnaa ay ku geeriyoodeen.

Aadan Maxamuud Calasow (Indha Buur) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee Gobolka Hiiraan, ayaa u sheegay Warbaahinta Risaala in halkaasi ay ku dhinteen todobadii ruux ee ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa sheegay gaariga inuu kula qarxay ciidankaan Shabaab deegaanka Durdur oo qiyaastii 40-KM u jira Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

“Waxaa igu maqaalo ah alaab oo wixii qarxaayay inuu iyaga la qarxay, wuxuu kula qarxay deegaanka Durdur, Durdur Baledweyne ayeey dhanka Koonfureed ka jirtaa illaa 40-KM, todobo nin ayaa ku dhimatay meeshaas iyada ah, gaarigaan waxyaabaha qarxa ayeey la saarnaayeen.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

Aadan Indhabuur ayaa sheegay inaysan war ka haynin meesha ay la damacsanaayeen Shabaab qaraxa gaarigaasi, balse ay qorsheeyeen meel ka mid ah Gobolka Hiiraan inay ku weerareen, laakiin sida uu yiri dhagartii ay maleegayeen ayaa dib ugu laabatay.

Xoogaga Shabaab ayaa qaraxyada gaadiidka iyo ragga ay ugu talo galaan inay ismiidaamiyaan waxa ay ku diyaariyaan meelo ka baxsan, Magaalooyinka ay u qorsheeyaan inay weerar ku qaadaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay