DEG DEG: Qaabkii ay Kooxdii dagaalka Tooska ah ku qaaday Hotel Posh ugu suuragashay Iney Weerarkaas fuliyaan oo la helay

Xog goordhow aan  ka helnay Weerarka Ismiidaaminta ee ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Hotelka Posh oo ku yaala degmada Hodan ayaa waxay sheegeysaa in raga weerarka qaaday ay wateen Labiska ciidamada Xasilinta ee maalmahaan magaalada Muqdisho amaankeeda sugayay.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay Albaabka Hotelka ka dibna waxaa xigay Rasaas iyo dagaal toos oo gudaha Hotelka ka dhacay, waxaana la sheegay raga galay Hotelka inay wateen labiska lagu yaqaano ciidamada xasilinta sidaas ay ku gudbeen dhowr meel oo lagu baari lahaa.

Khasaaraha ayaa aad u sii kordhaya waxaana tirada dhimashada hada ay sii dhaafeysaa 17-ruux, iyadoo dhaawacana uu intaas ka badan karo.

Xaaladda ayaa wali aad ukacsan, waxaana la filayaa in madaxda dowladda iyo saraakiisha amaanka ay goordhow ka hadlaan weerarkaan


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay