Deg Deg:- Mid Kamid ah Ragii Kufsiga Ka Geystay Galdogob oo Baxsad ahaa oo Caawa La Qabtay+ Magaciisa

Ciidanka booliska gobolka Nugaal gaar ahaan degmada Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay mid kamid ah dhalinyaradii kufsiga ka gaystay Magaalada Galdogob ee gobalka Mudug sida uu noo xaqiijiyey Taliyaha saldhiga Garowe oo la hadlay mid kamid ah warbaahinada.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Bishaar Cabdisamad Maxamed ayaa xalay saqdii dhexe laga soo qabtay xaafada 1-da agoosto ee magaalada Garoowe oo uu ku dhuumaalaysanayey.

Taliyaha ayaa sheegay in wiilkaani uu kamid ah 6-dhalinyaro ah oo kufsi wadareed ugu gaystay degmada galdogob labo gabdhood kuwaas oo shan kamid ah shalay xukun lagu fuliyey.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)