Home WARARKA DEG DEG: Mas’uulkii maanta Wadooyinka loo xiray oo Muqdisho Yimid..

DEG DEG: Mas’uulkii maanta Wadooyinka loo xiray oo Muqdisho Yimid..

2
1

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Midowga Afria Mousa Faki,kaasi oo ka soo degay Garoonka diyaaradaha Adan Cadde.

Mas’uulkaan ugu sareeya Midowga Africa iyo Wafdiga uu hogaaminayo waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Inta uu jooggo Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

U jeedka uu u yimid  Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay qiimeynta  Abaaraha ka jira Soomaaliya  iyo sidoo kale dardar Gelinta Howlgalka AMISOM.

 

1 COMMENT

  1. Amisom ama wadanka ha nooga baxdo
    Ama wax qabad dhab ah halatimado
    Waxaa intaas dheer in waxa ay hada
    Wadankeena ku joogaan wax shaqaynayo
    Ma noqonayaan

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here