DEG DEG: Kulankii Golaha Shacabka Oo Baaqday Iyo wararkii Ugu dambeeyay

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Goordhow ku dhawaaqay in uu baaqday kulankii Maanta ee Golaha Shacabka .

Kulanka maanta waxaa xaadiray 164 xildhibaan, iyadoo markii hore uu guddoomiyaha baarlamaanka uu furay kulankii maanta.

Sababta uu kulanka u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay khilaaf ka dhashay Codkii loo qaaday warbaahinta,isla markaana xildhibaanada ay laba garab kala noqdeen

Kulanka ayaa maanta baaqday ayaa inta badan waxaa soo xaadiray Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya si su’aallo looga weydiiyo Ammaanka dalka.

Kulankaan ayaa ah Mid si weyn isha loogu haayay Saacaddihii ugu dambeeyay Xaalad Amni daro oo daran ay ka jirto Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa ka doodista amniga Qaranka,hayeeshee waa uu baaqaday, kadib markii uu buuq badan hareeyay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in buuqa ugu badan uu ka dhashay kadib markii warbaahinta loo codeeyay inay dibad joog ka noqdaan kulanka maanta oo amaanka dalka looga hadlayay, iyadoo xildhibaanada mucaaradka ay arintaasi ka biyo diideen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here