DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo Weerar Khasaare dhaliyay ku qaaday Magaalada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay xalay Weerar ku qaadeen Barkontorool oo ciidanka Maamulka Puntland ay ku leeyihiin Boosaaso.

Inta la xaqiijiiyay 4 qof ayaa ku dhaawacan tahay weerarkaasi.

Dadka dhaawacmay ayaa isugu 2 askari iyo 2 qof oo shacab ah.

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ay iska difaaceen Kooxihii Weerarka kusoo qaaday.

Sidoo kale waxaa ay Xaqiijiyeen in ay baxsadeen dableydii Weerarka geysatay, Magaalada Boosaaso ayaa Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay Falal Lidi ku ah Ammaanka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)