Home WARARKA DEG DEG: Khudbad jeedinta Musharaxiinta oo hada bilaabatay iyo Musharax si dadban...

DEG DEG: Khudbad jeedinta Musharaxiinta oo hada bilaabatay iyo Musharax si dadban wax u garaacaya

2
0

Waxaa goor dhow xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay dhageysiga wajiga labaad Khudbad jeedinta Musharaxiinta xilka Madaxtinimada dalka.

Xarunta Golaha shacabka waxaa ku sugan 7 Musharax ee maanta loo qorsheeyay in ay jeediyaan khudbadaha, maadaama uu is casilay Eng C/laahi Cali Xasan, iyadoo Musharax walba uu khudbadiisa ku jeedinaya waqti ku siman 30-daqiiqo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ku xigeenadiis ayaa ku sugan xarunta ay socoto khudbad jeedinta, si ay ula socdaan Musharaxiinta iyo hadal jeedintooda.

Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya ayaa waxa ay kala yihiin:-

C/naasir Cabdulle Maxamed

C/raxmaan C/shakuur Warsame

C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

C/laahi Ciilmooge Xirsi

C/qaadir Cosoble Cali

Cali Xaaji Warsame.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here