DEG DEG: Khasaaraha oo kordhay & Ajaaniib badan Itoobiyaan u badan oo Maqaaxida ku jiray

Khasaaro fara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa iyo weerarka tooska ah ee ka dhacay Hotelka Posh.

ku dhawaad 14 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa Hotelka Posh ka dhacay iyo Weerarka tooska ah, waxaana ku jiri kara Ajaaniib hotelka ka shaqeysa.

Shaqaalaha Hotelka Posh ayaa intooda badan Ajaaniib ah, badankooda ka soo jeeda Dalka Itoobiya.

Ciidamada amaanka ee dowladda gaar ahaan Nabad sugidda iyo booliiska ayaa xeray dhamaan wadooyinka soo gala Hotelka Posh.

Waa Weerarkii ugu horeeyay oo ka dhaca Caasimada Soomaaliya, tan iyo bilawga Bisha Ramadaam, iyadoona xusid mudan in Magaalada Muqdisho weli uu ka socdo howgalka xasilinta.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay