DEG DEG:- Israsaaseyn ka dhacday Degmada Kaxda iyo Dad ku dhaawacmay

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday Israsaaseyn khasaare dhalisay, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Israsaaseyntan ayaa timid kadib markii Ciidamo Boolis ah ay u yimaadeen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, kuna amreen in uu raaco iyaga, taas ayuu ka biyo diiday, waxaana dhexmartay Israsaaseyn.

Askartii ayaa isaga tagay sarkaalka, waxaana ay ku soo laabteen mar kale, taasi ayaa sababtay in ay kala dhxgalaan shacabka Degamadaasi, maadaama Israsaaseynta ay saameysay xaafadaha.

Kadib waxaa muran afka ah uu soo kala dhexgalay shacabka iyo Ciidamada Booliska, taasina ay sababtay in shacabka ay soo qaataan Hub halkaasina ay ku dhexmarto Israsaaseyn.

Inta la xaqiijiyay Saddex Qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay Israsaaseyntan, sida ay  sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Xaalada goobta ay ka dhacday Israsaaseynta ayaa hada waxa ay tahay mid degan, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo dheeraad ah, si ay u kala dhex galaan labada dhinac.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)