DEG DEG: Internet la’aan maanta ka jirta Muqdisho & Gobolada kale ee Dalka

Waxa xalay abaayo 9:00 AM Fiidnimo hawada ka baxay adeegii Internetka Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Gobolada Kale ee Dalka.

Waxa Gebi ahaanba saaka hakad ku jira oo aanan shaqeyneyn Xawaalada, Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bank-yada Dalka ka jira Internet la’aanta jirta aawadeed.

Qaar ka mid ah Shirkadaha bixiya Internetka oo aan xariir la sameynay ayaa diiday inay xog ka bixiyaan Sababta keentay inuu go’ adeega Internetka.

Internet La’aanta jirta ayaa maanta si weyn looga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee Dalka iyadoona dadku ay aad u hadal hayaan lamana oga Sababta ka dambeysa in gebi ahaanba uu hawada ka baxo Adeega Internetka.

Wixii Faah faahin dheeri ah dib kala soco In shaa allah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)