DEG DEG: Howlgalkii Hoteel Posh oo Fashilmay, Shabaab oo Caawa ku hoyanaya, Dad badan oo dhintay & Wariyaashii oo lakala diray

Warar deg deg ah oo haatan nasoo gaaray ayaa sheegaya in kooxihii weeraray Hoteel Posh ay yeesheen awood aan caadi aheyn taas oo keentay in ciidamada xasilinta Muqdisho ay awoodi waayeen in howlgalkaas ay soo gabagabeeyaan.

Wasiirka amniga iyo taliska ciidamada ayaa gaaray hoteelka, laakiin dagaalyahanada Shabaab oo gudaha hoteelka ku jira ayaa loo geli waayay halka sidoo kale gaari waxyaabaha qarxa wada uu yaalo albaaba laga galo hoteelka.

Taliska ciidamada nabad sugidda ayaa wariyaasha usheegay ineysan awoodi Karin in howlgalkaan ay caawa soo gaba gabeeyaan sababo la xariira kooxaha dagaalamaya oo aagag dagaal oo aan la awoodi Karin in la galo ka dagaalamayaan.

HOOS KA DHAGAYSO WAREYSIYO DADKII BAD BAADAY

Khasaaraha ka dhashay Weerarkaas?

Ilaa haatan dhimashada ayaa gaareysa 15 ruux waxaana ay ubadan yihiin dhalinyaro rag iyo dumar ah kuwaas oo qaarkood daganaa hoteelka kuwa kalana ka cunteynayay.

Rasaasta ayaa inta badan istaagtay laakiin waxaa xiliyada qaar dagaalyahanada ku jira hoteelka ayaa ridaya rasaas xoogan.

Dadkii Ugu Badnaa oo la bad baadiyay?

Ciidamada amaanka ayaa ku guuleystay iney hoteelka ka bad baadiyaan ku dhawaad 100 qof oo isugu jiray dad hoteelka ku jiray iyo kuwa maqaayadda hoteelka ku sugnaa.

Dadka laga bad baadiyay weerarkaas oo dhalinyaro ubadnaa ayaa sheegay iney aad u argagaxsan yihiin waxii ka dhacay halkaasna ay aheyd mid aysan hilmaami doonin

Howlgalka Xiga?

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, howlgalka ayaa la filayaa in subaxa hore ee beri dib loo bilaabi doono, madaama ay adag tahay in haatan gudaha loo galo.

Yaa Ka dambeeyay Weeraradaas?

Kooxda AlShabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, waxaana ay bogooda dhanka Internetka ku sheegeen iney ku laayeen masuuliyiin dowladda katirsan.

Waxaa ay sheegeen in dadka la dilay ay ubadnaayeen ajaanib iyo Sirdoon dowlado shisheeye iyo dowladda Soomaaliya katirsan.

Maamulka Hoteelka oo Hadlay

Maqaayadan waxaa iska leh Gabar Soomaaliyeed oo qurbaha ka timid oo lagu magacaabo Manaar Muxiyidiin Macalin, waxaana ay bogeeda Facebook kusoo qortay in Weerarkaas uu ahaa mid aanan balaarneyn oo qasaaro yar uu ka dhashay


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay