DEG DEG: Hoobiyeyaal Lagu Garaacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xogo Cusub Oo La Helay

Jugta Madaafiic Xoogan ayaa laga Maqlay Agagaarka Xaafadaha Wardhiigleey iyo Degmada Xamar Weyne taasi oo faah faahinada la helayo ay iska soo daba dhacayaan.

Hoobiyeyaal ayaa la sheegay in lagu weeraray Aqalka Dalka looga Arimiyo Ee Madaxtooyada Soomaaliya Magaalada Muqdisho waxaana jira xogo is khilaafsan oo la helay.

Goob joogayaal lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaafiicda qaar ay Meelo cidlo ah ku dhaceen halka kuwo kale ay ku hoobteen goobo Shicibku deggan yahay.

Madfac ku habsaday Guri ku yaalla Xaafada Ex Fiyoore oo Bahda Fanaaniinta Waaberi ay Deggan yihiin waxa la sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Agagaarka Xafiiska R/wasaare Xasan Cali Kheyre ay tiro Hoobiyeyaal ah ku dhaceen,waxaana si rasmi ah loo ogeyn Madaafiicdaasi iyo khasaaraha ay geysteen.

NAGA FILO FAAH FAAHIN INTAAN KABADAN INSHA ALLAAH


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay