DEG DEG: Hoggaamiye caan ah oo dhintay

Hogaamiye mucaarad oo caan ka ahaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Etienne Tshisekedi, ayaa geeriyooday asagoo 84 jir ah.

Xisbiga uu wax ka asaasay ee UDPS ayaa sheegay in todobaadkii tegay uu u duulay dalka Belgium, si baaritaan caafimaad loogu sameeyo.

Waxaa la filayay in uu hogaamiyo gole kumeelgaar ah oo xaqiijin lahaa in madaxweyne Joseph Kabila uu xilka ka dego sanadkan gudhiisa.

Mr Tshisekedi ayaa jagooyin sarsare kasoo qabtay dalkiisa tan iyo markii uu xornimadda qaatay 1960-kii, waxaana uu mar noqday ra’iisul wasaare.

Waxa ay is qabteen madaxweynihii keligii taliska ahaa ee Mobutu Sese Seko, asagoo mucaarad noqday sideetamaadkii.

Waxaa xiray, ka dibna dalka ka cayriyay madaxweynihii hore Laurent Kabila.

Mr Tshisekedi ayaa si weyn u dhaliilsanaa madaxweynaha hadda u taliya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Joseph Kabila.

Geeridiisa ayaa kusoo beegmeysa xilli muhiim u ah dalkaasi, ka dib markii ay mucaaradka iyo dowladda ku heshiiyeen in ay awoodda qeybsadaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)