DEG DEG: Farmaajo & Xasan Sh oo isugu soo baxay Wareega Sedexaad ee Tartanka Doorashada

Waxaa haatan lasoo gaba gabeeyay tirinta codadkii xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya, waxaana ay ku dhawaanayaan iney taariikh cusub sameeyaan.

Musharaxa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wacdaro ka dhigay tirinta codadka isagoo noqday musharaxa helay codadka ugu badan.

Masuulkan oo soo noqday RW Soomaaliya ayaa helay codad gaaraya 184 cod isagoo usoo gudbay wareega xiga

Waxaa kaalinta labaad kusoo baxay Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sh Maxamuud kaas oo isna helay codad dhan 97.

Musharaxa codadka ugu hooseeya helay ayaa ahaa Sh Shariif Sh Axmed kaas oo helay codad gaaraya 46 cod .

Waxaa haatan loo gudbayaa wareega xiga ee sedexaad oo ay isugu soo hareen labada musharax ee Farmaajo iyo Xasan Sh Maxamuud.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)