DEG DEG: Doorashada Madaxweynaha oo hada bilaabatay iyo Musharaxiin buuga aanan…

Waxaa hada xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni ka bilaabatay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay soo sheegayaan wariyeyaasha ku sugan xarunta Doorashada.

Hoolka ay ka dhaceyso Doorashada ayaa waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka, xildhibaanada Dowladda Federaalka, Musharaxiinta, Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, si ay ula socdaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada.

Ammaanka guud ahaan Magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, dadkuna waxa ay dhagta ku hayaan Warbaahinta maqalka, kuwa lugeynaya, halka kuwa guryaha jooga intii heli kartana ay daawanayaan Tv-yada.

22 Musharax ayaa u tartamaya xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira Mas’uuliyiin horey dalka u soo martay, Siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale, waxaana ay kala yihiin:-

1.Axmed Maxamed Cabdi

2.Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

3.Bashiir Raage Shiiraar

4.Jabriil Ibraahim Cabdulle

5.Xasan Sheekh Maxamuud

6.Saciid C/laahi Deni

7.Dr. Saciid Ciise Maxamuud

8.Shariif Sheekh Axmed

9.C/naasir Cabdulle Maxamed

10.C/raxmaan C/shakuur Warsame

11.C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

12.C/laahi Ciilmooge Xirsi

13.C/qaadir Cosoble Cali

14.Cali Xaaji Warsame

15.Cumar C/rashiid Cali Sharmaare

16.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

17.Maxamed Axmed Jabarti

18.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

19.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

20.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

21.Maxamed C/risaaq

22.Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)