DEG DEG: Doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta oo la joojiyay iyo cabsi halkaasi ka jirta

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay Doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta  u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Arintaan ayaa imaanaysa xilli Maanta in ka badan 12 Musharax ay iskaga baxeen dooda, islamarkaana ay sheegeen in aysan aheyn mid si sax ah loo baahinaayo.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 24 musharax , waxaana lagu waday in 12 ka mid ah ay maanta gelinka hore ay doodaan.

12 Musharax ayaa maanta diiday in ay ka qeyb galaan dood wadaag ka dib markii ay sheegeen in xubno ka tirsan dowladda ay doonayaan in dooda ay noqoto mid qarsoodi ah oo warbaahinta madax banaan aysan ka qeyb galin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)