DEG DEG: Dagaal Xoogan oo haatan ka socda Gobolka Sh/hoose & Shacabka oo….

Wararka ka imaanaya Gobolka ShabellahaDhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Duleedka Degmada Mahadaay Ee Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu si toos ah uga socdaa Deegaanka Lagu Magacaabo Buurane oo dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Mahadaay Khayaas Ahaana u jirta  3KM/

Jug culus oo u badan Madaafiic iyo qoruaha Boobayaasha ayaa laga Maqlayaa Aagaasi oo goor dhow ay weereen Al-Shabaab ilaa haddana Macada Khasaaraha Ka dhashay Weerarka wallow ay xili habeen ah tahay.

Goobta la weeraray waxaa fariisimo ku leh ciidamada Dowlada iyo Kuwa Dowlada Federaalka, Dad goob joogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in Dagaalka uu yahay Mid aad u culus.

Maanta gelinkii Dambe ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegteen in 3 Askari ay kudileen Miino ay ku Aaseen goob fariisin u aheyd Ciidamada Dowlada ee Jooga Deegaanka Caawa la weeraray Ee Buurane Duleedka Mahadaay Gobolka Shabellaha Dhexe.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)